Allbanaadir.com
NEWS

Macalin fara xumeeyey ilmo yar oo xukun adag lagu riday

Maxkamadda Magaalada Mandera ee gobolka Soomaalida Kenya ayaa xukun xabsi daa’in ah ku ridday macallin dugsi oo lagu magacaabo Sheekh Maxamad Cabdullaahi Isaaq oo 38 sano jir ah.

Macallinka ayaa lagu helay dambi ah inuu faraxumeeyay ilmo yar, dambigaasi oo ka hor imaanaya sharciga dalkaas qodobkiisa 8-aad ee farqadiisa koowaad ee arrimaha jinsiga.

Kooxda dacwad oogidda oo ay hoggaaminayeen qareennada kala ah Patrick Namiti, Stephen Kasyoka iyo Michael Lokitam, ayaa soo bandhigay caddeymo lagu qanco intii ay socotay dhageysiga dacwaddan, kuwaasoo ay ku jiraan marag furka afar marqaati, gaar ahaan sarkaalka u xilsaarnaa baaritaanka kiiskan iyo dhakhtarka caafimaadka.

Garsooraha maxkamadda ayaa markii uu xukunka riday ka dib ku nuuxnuuxsaday heerka uu gaarsiisan yahay dambigan, isagoo sheegay inay lagama maarmaan tahay in xukun xabsi ah lagu fuliyo eedeysanaha si uusan markale u dhicin dambiyada noocan ah oo si aad ah ugu soo badanayay ismaamulka Mandera.

 

Related posts

Madaxweyne Deni oo Magacaabay Labo Gudoomiye iyo ku xigeen cusub (Akhriso)

Caydiid Ali

Maxkamad go’aan KMG ah ka gaartay kiiskii loo heystay Duqa magaalada Nairobi

Caydiid Ali

Gudoomiye Degmo oo lagu jirdilay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---