Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, gaar ahaan guutada 14-ka October ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka sameeyeen tuulooyin u dhaxeeya deegaanka Janaale iyo Shalaambood waxa ay ku qabteen xubno katirsanaa kooxda Al Shabaab.
Raggan katirsan Al Shabaab ee ciidanka xoogga dalka qabteen ayaa la sheegay in ay wateen mooto nuuca Fekonta loo yaqaan, waxaana raggan lagu eedeeyay in ay dhibaatooyin ku hayeen dadka deegaanka ayna ka qaadayeen baad.
Saraakiisha ciidanka xoogga dalka oo soo bandhigay raggan Al Shabaab katirsan ee la qabtay ayaa magacyadooda ku sheegay Axmed Mustaf Aadan oo 26-jir ah iyo Cabbdi Somali oo isna 30-jir ah, kuwaa oo hadda lagu wado baaritaano.
Qabashada raggan katirsan Al Shabaab ayaa imaaneysa xilli ciidanka xoogga dalka gaar ahaan guutada 14-ka October howgal qorsheysan ka sameeyeen deegaanno u dhaxeeya Janaale iyo Shalaambood, halkaas oo lagu arkay dagaallamayaal katirsanaa Al Shabaab oo shacabka dhibaateenayay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com