Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 14-ka October ayaa saacadihii lasoo dhaafay fuliyay howlgal qorsheysan oo sifeyn ka dhan ah kooxda Al Shabaab , kaa oo laga fuliyay deegaano hoostaga gobolka Shabeelaha Hoose.
Howlgalkan ciidanka xoogga dalka fuliyeen ayaa ka dhacay tuulooyin hoostaga deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaas oo la sheegay in ay ku sugnaayeen shacabkana ku dhibaateenayeen dagaallamayaal katirsan kooxda Al Shabaab.
Ciidamada xoogga ayaana ka sifeeyay maleeshiyaad katirsanaa Al Shabaab tuulooynika kala ah Kaaytooy. Mushaani. Majabto. Doonkaa Daafeedow. Buulakamiirow. Buulajadiid. Shufeeri. Doondheere. Cadceed. Malable. Buulanaaji. Buulaaruundi. Malable iyo Beeraha Baay.
Taliyaha guutada 14-ka October G/sare Nuur Farey, ayaa sheegay in howlgalka intii socday ay waxyeeleeyeen xubno katirsanaa Al Shabaab, waxa uuna xusay in tuulooyinkii ciidanka tageen laga sifeeyay burcadii dadka dhibka ku heysay.
Al Shabaab ayaana si dhuulaameysi ah uga howgala tuulooyin hoostaga deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxa ayna kooxdaasi markii ay ciidamada goobahaasi tagaan isaga cararaan, iyaga oo mar kale dib ugu soo laabta marka ay ciidamada ka baxaan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com