Allbanaadir.com
NEWS

Israa’iil oo cashar ka baraneysa weerarkii khasaaraha xooggan kasoo gaaray

Maamulka Israa’iil , ayaa wali layaaban indhahana la taagaya sida uu u dhacay weerar ay kooxda hubeysan ee Xisbullaah u adeegsatay diyaarad aan duuliye laheyn, taa oo lagu weeraray saldhig ay leeyihiin ciidanka milatariga Israa’iil .

Weerarka Xisbullaah ay ka fulisay gudaha Israa’iil ayaa lagu dilay afar askari oo dhallinyaro ahaa, waxaa sidoo kale lagu dhaawacay tiro intaas ka badan, kuwaa oo qaarkood la sheegay in uu gaaray dhaawacyo aad u culus oo xaalkooda lala tacaalayao.

Wasiirka difaaca Israel Yoa Gallant , oo tagay saldhigga weerarka ka dhacay , ayaa sheegay in casharo fiican ka baranayaan weerarka kooxda Xisbullaah ku naafeysay askartooda, waxa uuna sheegay in ay hirgalin doonaan tallaabooyin milatari si aysan tii dhacday oo kale u dhicin.

“Waa in aan baarnaa oo aan eegnaa faahfaahinta, aana hirgelinaa tallaabooyin degdeg ah, waxaaynu sameyn doonaa dedaalo hor leh oo looga hortagayo bdiyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee weerarada loo adeegsado” ayuu yiri Wasiirka Difaaca Israa’iil.

Nidaamka difaaca milatariga Israa’iil ayaa ku guul dareestay in  uu kahor tago weerarka loo adeegsaday diyaarada aan duuliyaha laheyn, waxa ayna wali Israa’iil la yaaban tahay sida uu u dhacay weerarkan khasaaraha aan horey loo arag uu kasoo gaaray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

ATMIS oo soo Gabagabeysay Wejigii 2-aad ee dhimista Ciidankooda Soomaaliya jooga

Cabdi Cade

Boqolaal askari oo ku dhintay dagaalka ka soo cusboonaaday Azerbaijan & Armenia

Caydiid Ali

RW ku-xigeenka oo Beijing kaga qeyb galaya Madasha Iskaashiga Shiinaha & Afrika (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---