Allbanaadir.com
NEWS

Mashquul laga dareemayo xarumaha degmooyinka Muqdisho kaddib tallaabadii uu…

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaake, ayaa magacaabay guddi kormeer ku sameeya xarumaha degmooyinka gobolka Banaadir, si ay guddigaasi usoo qiimeeyaan una soo arkaan sida maamulka iyo xubnaha kale ee koonsalka u shaqeeyaan.

Kormeer ay dhawaan guddigan ku tageen degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag, ayey kula soo kulmeen shaqo xumo ka jirta xarumaha degmadaasi, waxaana guddiga xilliga ay tagayeen xrumahaasi ahaayeen kuwa inta badan xirnaa xafiisyada lagu shaqeeyo.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaana shaqojoojin ku sameeyay guddoomiyaasha degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee lagu arkay shaqo xumada, waxaa sidoo kale mushaarka bishan laga joojiyay dhammaan xubnihii koonsalka ee degmooyinkaasi ee ka maqnaa xarumahaasi markii la kormeerayay.

Tallaabadan markii uu qaaday guddoomiyaha gobolka Banaadir, ayaa qaar badan oo kamid ah guddoomiyaasha degmooyinka iyo xubnaha kale ee maamulka oo inta badan shaqada xaadiri jirin bilaabeen in ay maalin kasta xafiisyadooda tagaan waliba xilli hore.

Mashquul ayaana laga dareemayaan xafiisyada guddoomiyaasha degmooyinka, kuxigeennada iyo xubnaha kale ee koonsalka oo inta badan xirnaan jiray, waxa ayna xubnahan lasoo darista cabsi la xariirta iyo shaqojoojin iyo mushaar hakkin lagu sameeyo.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii ugu dameeyay xiisadda Garowe & degmada Afgooye oo xaalkeeda Allow sahal ah !!

admin

Dal Somalia u soo diray Ciidankii u horeeyey ee aan qeyb ka aheyn ATMIS (Sawirro)

Caydiid Ali

Wasiir ka dhawaajiyay hadal ka careesiiyay Muslimiinta kunool dalka Jarmalka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---