Allbanaadir.com
NEWS

Maraakiibta iyo diyaaradaha Dagaalka Shiinaha oo galay xadka Taiwan iyo xiisad taagan

Dowladda Shiinaha ayaa qaaday tallaabooyin lagu cabsi galinayo maamulka iyo shacabka Jaziirada Taiwan , oo Shiinaha aaminsan yahay in dalkeeda katirsan yahay.

Shiinaha ayaa maanta oo Axad ah isku hareereeyay Jaziirada Taiwan, waxaana maraakiibta dagaalka iyo kuwa diyaaradaha qaada ee Shiinaha ay galeen biyaha Jaziirada Taiwan.

Diyaaradaha dagaalka ee Shiinaha ayaa sidoo kale gudaha u galay hawada Taiwan, iyadoo afhayeenka militariga Shiinaha, Li Xi uu sheegay in dhaqdhaqaaqan uu ka dhiganyahay dhoolatus diyaargarow dagaal.

Tallaabadan Shiinaha qaaday maahan wax horey uu u sameeyay , wuxuuna bixiyay sawirka sida uu go’doon u gelin karo Taiwan iyo awoodda ay ciidanka Shiinaha u leeyihiin inay waqti kooban u beddelaan jariisadan meel aan laga bixi karin lana geli karin.

Related posts

Dowlado ka tirsan Yurub oo mamnuucay dibad baxyada lagu taageerayo Falastiin

Caydiid Ali

Amarkii xalay soo saartay Maamulka Duulista Hawada Somalia oo maanta la jabiyay

Cabdi Cade

Ciidamada Dowladda oo kaabiga ku haya Degmo Muhiim ah oo Al Shabaab gacanta ku hayaan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---