Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo gantaallada difaaca cirka u diraya Isra’il xilli laga cabsi qabo in…

Dowladda Mareykanka ayaa Axaddii shalay ku dhawaaqday in ay gantaallo casri ah oo nuuca difaaca cirka ah iyo ciidamo Mareykana ah u direyso Isra’il, si ay u xoojiso nidaamka difaaca cirka Isra’il, maalmo kaddib marki ay Iran madaafiic ku garaacday Isra’il.

Madaxweyne Joe Biden ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid lagu difaacayo Isra’il. Waxana tani ay ku soo beegantay iyada oo la filayo in Isra’il ay jawaab ka bixisyo duqeynti cusleyd ee ay 1-di bishan October kala kulantay Iran oo ku garaacday in ka badan 180 gantaallada guuxooda ka dheereeya.

Afhayeen u hadlay Aqalka Pentagon-ka ee looga arrimiyo Waaxda Difaaca Mareykanka, Major General Patrick Ryder, ayaa ku tilmaamay daabulista hubkan in ay qeyb ka tahay taageero ballaaran oo uu Mareykanka bilihi lasoo dhaafayay siinayay Isra’il, si buu yiri looga difaaco Iran iyo kooxaha ay taageero danaha Mareykanka ee gobolka.

Dhanka kale, ciidamada Isra’il ayaa sii xoojiyay weerarka ay ka wadaan maalmahaan waqooyiga Gaza, iyada oo taangiyadooda ay gunta u sii galayaan magaalada, gaar ahaan degmada Sheekh Ridwaan halkaas oo qoysas badan ay ka carareen guryahooda.

Aroornimadi hore ee Isniinta maanta ah, duqeyn cirka ah oo ay ciidanka Isra’il ku beegsadeen teendhooyin ay jiifeen dad barakac ah oo ku taalla gudaha Isbitaalka Al Aqsa ee bartamaha Gaza ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay ugu yaraan 3 qof, halka 40 kalana ku dhaawacmeen.

Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in bartamaha Gaza gaar ahaan Deyral Balax ay ku nool yihiin ugu yaraan hal milyan oo Falastiinyiin u badan barakac.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xubno kasoo goostay kooxda Al Shabaab oo lasoo bandhigay

Cabdi Cade

Dowlado ka tirsan caalamka oo si kulul uga hadlay qaraxii shalay ka dhacay Jidka Maka Al Mukarama

Caydiid Ali

Haweeney ajnabi ah oo caawa iska soo tuurtay dabaqa sare ee hotel ku yaalla Garowe

Caydiid Ali
Taboola Ads ---