Dagaal u dhexeeya labo maleeshiyo beeleed ayaa caawa ka soo cusboonaaday degmada Luuq ee gobolka gedo.
Goob joogayaal ayaa sheegaya in daryanka rasaas culus caawa laga maqlayo qeybo ka mid ah degmada Luuq taasoo ay isweydaarsanayaan dhinacyada dagaalamaya.
Weli lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkan oo cabsi ku abuuray shacabka degmadas ku nool.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan uu salka ku hayo dilal la xiriira aano qabiil oo ka dhex aloosan labada beelood oo ka mid ah beelaha degmadaas ku wada nool.
Beelahan oo horey ugu dagaalamay degmada Luuq ayaa dhowaan la dhex dhigay heshiis nabadeed oo ay ka shaqeeyeen masuuliyiin ka tirsan Jubbaland iyo waxgaradka gobolkaas kaasoo lagu dhameeyey khilaafaadkii keenay colaada.
Hase ahaatee heshiiskii nabadeed oo la dhex dhigay labada beelood ayaa hadda u muuqda mid burburay ka dib markii maalmo ka hor nin laga dilay mid ka mid ah beelahan, dilkaasoo abuuray xiisad cusub iyo dagaalkan mar kale soo cusboonaaday.