Allbanaadir.com
NEWS

Weerar khasaare badan geystay oo ka dhacay Israel

Ugu yaraan 20 ayaa ku dhaawacantay weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku qaadeen waqooyiga Israa’iil.

Warbaahinta Israel ayaa ku warameysa in ugu yaraan 20 qof ay ku dhaawacmeen, kuwaasoo shan ka mid ah ay xaaladoodu halis tahay, kadib markii diyaarad aan duuliye lahayn ay qaraxyo ku dhufatay meel u dhow magaalada Binyamina ee Israa’iil ee ku taal waqooyiga degmada Haifa.

Wararka qaar ayaa sheegaya in sidoo kale ay weerarkaas ku dhinteen dhowr qof, waxaana loo badinaa iney ka dambeeyeen xoogaga Xisbullah.

Dhinaca kale, Ugu yaraan 34 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay duqeymo Israel ka fulisay magaalada Gaza

Goob joogayaal  ayaa soo sheegaya, iyagoo soo xiganaya ilo caafimaad, in ugu yaraan 34 qof lagu dilay weerarrada cirka ee Israa’iil ee Gaza tan iyo waaberigii Axadda.

Waxaa ku jira shan carruur ah oo la dilay markii diyaarad aan duuliye lahayn oo Israa’iil leedahay ay ku garaacday xilli ay ku ciyaarayeen meel u dhow maqaaxi lagu shaaheeyo oo ku taal xerada qaxootiga Shaati.

 

Related posts

Raisul Wasaare Rooble oo Arimo dalka muhiim u ah kala hadlay Keith Hansen (Sawirro)

Cabdi Cade

Doorashadii ka dhacday Puntland oo dibeda soo dhigtay tuhun muddo badan jiray

Caydiid Ali

Gudoomiye ku-xigeenka G/Banaadir oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaalida ee Uganda (Sawirro)

admin