Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka Israel oo cashar adag loogu dhigay xadka Lubnan

Ciidanka Israa’iil ayaa maanta la kulmay iska horimaadkii ugu cuslaa, tan iyo dagaalkii 2006, kaddib markii dagaal fool-ka-fool ah ay la galeen saaka guutooyinka hubaysan ee Xisbullah.

Dagaalka ayaa illaa hadda ka socda aaggaga ku teedsan xadka Lubnaan iyo gobolka waqooyi ee ay Israa’iil heysato.

In ka badan 25 askari ayay sheegtay Israa’iil dagaallada tan iyo saakay dhacay in looga dhaawacay, balse warbaahinta dhinaca Xisbullah ayaa sheegtay boqollaal askari inay dhaawaceen tiri kalena ay dileen

Dagaallo tan iyo saaka ka sii socda saddex goobood oo muhiim ah, oo ay ku jiraan magaalooyinka Kfar Kila iyo Odaisseh oo aan sidaa uga fogeyn halka loo yaqaanno khadka buluuga ah ee koonfurta Lubnaan iyo dhulka ay Israa’iil heysato.

Dagaallada ayaa noqday kuwa aan horey uga dhicin xadka, kaddib markii 2 km ay u soo jirsadeen dhulka Lubnaan, ciidamada Israa’iil, taasoo dhalisay inay Xisbullah adeegsato gantaallada la hago kuwa taangiyada lagu burburiyo, madaafiic iyo in dhulka buuralayda ah dushooda laga toogto askarta Israa’iil, isla waqtigaanna hab saf ballaaran oo xadka ku teedsan inay si fool-ka-fool ah qoryaha daran-dooriga u dhaca ay kala hortageen Xisbullah iskudaygii ciidanka Israa’iil ee ku soo dhawaaday xadka

Mar kalena Israa’iil ayaa looga gacan sarreeyay dagaalladii saaka dhacay, iyagoo u baahday gurmad hawada ah, balse masaafada la isku jiray ayaa dhalisay inaysan dhicin weerarro duqeyn ah oo waaweyn, waa sababta loo arkayo khasaaraha badan ee gaaray Israa’iil. Saacad kastana waxaa muuqata in dagaalladan sii cuslaanayaan.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Mareykanka iyo Ujeedka safarkiisa oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Jabhada TPLF oo shaacisay labo meelood oo ay dagaal ku qaadi doonaan

Caydiid Ali

Dahab laga dhaxlay boqor caan ah oo qaab xirfadeysan looga xaday Madxaf (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali