Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa xgoordhaw kulan xasaasi ah oo albaabada u xirnaayeen la qaatay Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan, oo saakay safar ku tagay magaalada Kismaayo.
Sida aan xogta ku helnay kulanka dhax maray Axmed Madoobe iyo Swan, ayaa looga hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan shirkii Golaha Watashiga Qaran uu kasoo baxay Axmed Madoobe iyo arrimaha keenay khilaafka.
Madaxweynaha Jubbaland , ayaa wararku sheegayaan in uu la wadaagay Ergayga Qaramada Midoobay ka socday waxyaabaha keenay in uu isaga soo baxo shirka Golaha Wadatashiga Qaran, waxa uu sidoo kale la wadaagay in maamulkiisa diyaar u yahay in dalka doorasho ka dhacdo.
Axmed Madoobe, ayaana lagu caadinayaa sidii uu mar kale ugu laaban lahaa magaalada Muqdisho, si go;aanno looga soo saaro shirka Golaha Wadatashiga Qaran, hasa ahaatee Madaxweynaha Jubbaland ayaa diidan in muddo kordhin loo sameeyo maamulada iyo doorashada qof iyo cod.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com