Allbanaadir.com
NEWS

Dal Yurub katirsan oo xiraya waddooyin ay mari jireen Tahriibayaal Soomaaliyeed

Dalka Poland , ayaa go’aan ku gaaray in ay gabi ahaan xiraan xadka ay la wadaagaan dalka Belarus , si loo joojiyo qul qulka tahriibayaasha ee kasoo gudbaya xadka dalkaas la wadaago Belarusi, kuwaa oo kusii jeeda qaar kamid ah waddamada Yurub.

War kasoo baxay dowladda Poland ayaa lagu sheegay in ay dhaqangelinayso sharci ay ku xireyso xadduudka ay la leedahay dalka Belarus iyo waddo kasta oo lagu soo geli karo 15 bishan aan ku jirno ee  Oktoobar.

Poland ayaana kahor tagi doonta dadka magangalyo doonka ah ee soo geli jiray dalkeeda, waxa ay sidoo kale joojisay in wax aqbalaad ah siiso dadka qaxooti ahaanta xadka uga soo gudba  , sida ay baahisay  wakaaladda wararka ee Reuters.

Soomaali badan oo tahriibayaal ah oo dalka Pelarus ku tagay fiiso waxbarasho ayaa uga sii gudbi jiray dalka Polnad, kuwaa oo sii gali jiray dalal kala duwan oo qaarada Yurub kuyaalla ay ugu horeeyaan dalalka Jarmalka iyo Austria.

Go’aankan kasoo baxay dowladda Poland ayna xadkeeda ku xireyso , ayaa saameyn badan ku yeelan doona Soomaali badan oo hadda ku xayiran dalka Pelarus, kuwaa ay ku adkaan doonto in ay sii galaan qaarada Yurub iyaga oo marin kasii dhigan lahaa dalka Poland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Taliyaha cusub ee ciidamada Uganda ka jooga Somalia oo xilka la wareegay (Sawirro)

Caydiid Ali

Xildhibaano Xawaaraha dhima! Talo Muhiim ah oo ku socota Xildhibaanada Golaha Shacabka

Caydiid Ali

Xog cusub oo laga helay rasaastii lagu furay gaariga Imaamka beesha Mudulood & Puntland oo..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---