Allbanaadir.com
NEWS

Maxay tahay fariinta Somalia u dirtay dowlada Equatorial Guinea?

WAR-SAXAAFADEED

Wasaaradda Arrimaha Dibadda, iyada oo ku hadlaysa magaca Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, waxay hambalyo diirran u diraysaa dowladda iyo shacabka dalka Equatorial Guinea oo ku yaalla galbeedka qaarada Afrika  munaasabadda sannad-guuradooda 56-aad ee maalinta Xorriyadda.

Maalintan qiimaha badan waa dabaaldeg xorriyaddiinna, madaxbannaanidiinna, iyo adkaysiga qarankiinna. Soomaaliya waxay sharaf u aragtaa in ay xusto xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashi ee ka dhaxeeya labada dal, annagoo rajaynayna wada shaqayn weyn oo mustaqbalka ah.

Equatorial Guinea waxaanu idiin rajaynaynaa nabad, horumar, iyo guulo waaweyn oo soo socda.

DHAMMAAD

Related posts

Taliyaha Booliiska Soomaaliya oo Shir aan caadi aheyn uga qeyb galay Itoobiya (Sawirro)

Cabdi Cade

Gudoomiyihii Guddiga Xalinta Khilaafadaka Doorashada oo Goordhaw geeriyooday

Cabdi Cade

Xukun deg deg ah oo lagu soo rogay degaanka Soomaalida Itoobiya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---