Allbanaadir.com
NEWS

Aqalka Sare oo Shaaciyay Sababaha uu Saalax Axmed ku lumiyay kursigii Aqalka Sare

Guddoonka Aqal Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa qoraal ay soo saareen ku shaaciyay in Senator Saalax Axmed Jaamac ahna Ra’isul Wasaare kuxigeenka dalka uu lumiyay kursiga Aqalka Sare uu ku matelayay gobolada waqooyi ee Somaliland.

Qoraalka Aqalka Sare ayaa lagu shaaciyay in Senatorka uu jabiyay xeerkii golaha u yaalay uuna soo xaadiri waayay sabab la’aan fadhiyada golaha Aqalka Sare afar kalfadhi oo xiriir ah.

“Sida ku cad qodobka 59aad farqada 1aad ee Dastuurka KMG ah ee qeexaya siyaabaha lagu lumiyo xubinnimada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, haddaba, Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac ma uusan soo xaadirin Golaha Aqalka Sare BFS afar kalfadhi oo xiriir ah, mana soo gudbin sabab maangal ah oo ku saabsan maqnaashihiisa, sidaa darteed wuxuu lumiyay Xubinnimadiisii Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS” ayaa lagu yiri qoraalka Aqalka Sare kasoo baxay.

Related posts

Xasan Kheyre oo baaq kasoo saaray Dagaalka Laascaanood Fariina u diray Dowladda

Cabdi Cade

Puntland oo eedeyn yaab leh u jeedisay Madaxweyne Xassan Shiikh

Caydiid Ali

Caro ka dhalatay dil Booliiska Mareykanka u geesteen Wiil Soomaali ah (Sawirro)

Cabdi Cade