Allbanaadir.com
NEWS

Taliyaha ciidanka Dhulka oo furumaha ee dagaal u tagay abaabul dagaal oo…

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka S/Guuto Dayax Cabdi Cabdulle, ayaa abaabul dagaal oo ka dhan ah Al Shabaab ka wada deegaanka Waniile oo hoos taga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Jenaraal Dayah ayaana deegaanka Waniile kulan kula qaatay saraakiisha ugu sareysa ciidanka xoogga dalka ee howlgalka sifeynta Al Shabaab ka wada deegaanada Galmudug iyo Hirshabeelle, isagoo kala hadlay dardar gelinta howlgallada iyo sidii cadowga looga xoreyn lahaa deegaanada faro ku tiriska ah ee ay ku dhuumaaleystaan.

Taliyaha ciidanka dhulka ayaa kulamada uu saraakiisha la yeeshay kadib kormeeray fariisimaha ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay ku leeyihiin deegaanka Waniile ee bariga gobolka Galgaduud, isagoo ku dhiirigeliyey howlgallada guuleystay ee Al Shabaab lagu naafeeyey ciidamadu ay fuliyeen maalmihii lasoo dhaafay.

Dowladda Soomaaliya , ayaa mar kale qorsheeneysa in bariga gobolka Galgaduud laga bilaabo howlgalo ka cusub oo ka dhan ah Al Shabaab, taa oo la doonayo in kooxdaasi gabi ahaan looga sifeeyo bariga Galgaduud.

Related posts

Dowlada Somalia oo walaac ka muujisay rabshadaha & boobka ka socda dalka Koonfur Afrika

Caydiid Ali

(Sawirro) Toogasho kale oo ka dhacday Mareykanka & Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali

Mid ka mid ah dowladaha Yurub oo Somalia kala baxeysa tababareyaal Milateri

Caydiid Ali
Taboola Ads ---