Allbanaadir.com
NEWS

Koox Islaami ah oo joogta Ciraaq oo Weerar Diyaaradeed ku qaaday Israa’iil

Kooxda lwax iska caabinta Islaamiga ah ee Ciraaq ayaa sheegtay in ay weerar diyaaradeed ku qaadeen “bartilmaameed muhiim ah” oo ku yaal buuraha Golan Heights ee xooga ku heesato  Israa’iil, iyada oo aan bixin faahfaahin dheeraad ah.

Weerarkan ayey kooxdan oo Iran taageerto ku fuliyeen diyaarado nuuca aan duuliyaha laheyn oo qaraxyo lagu xiray, waxa ayna sheegeen in bartilmaameedyo muhiim ah ay joogaan ciidamada cadawga Israa’iil in ay ku weerareen.

“Annaga, iska caabinta Islaamiga ah, waxaan xaqiijineynaa in howlgallada lagu burburinayo goobaha cadowga ay ku sii socon doonaan xawli sii kordhaya,” isbaheysiga malleeshiyada taabacsan Iran ee Ciraaq ayaa sidaas ku yiri war ay soo saareen.

Lama oga ilaa hadda  in uu jiro khasaare dhimasho iyo mid dhaawac ah oo ka dhashay duqeyntaasi oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay isticmaalaan maleeshiyaadka Ciraaq jooga ee taageera Iran, kuwaa oo ku hanjabay in ay sii wadayaan weerarada ka dhanka ah Israa’iil.

Milatariga Israa’iil ayaan wali wax war ah kasoo saarin weerarkan ay sheegeen in ay fuliyeen kooxda Islaamiga ah ee Ciraaq joogta, waxa uuna weerarkan qeyb ka noqonaya weerarada Israa’iil kala kulmeyso dhinacyo kala duwan oo ay ugu horreeyaan kooxaha Iran taageeryo.  .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirada: Hogaamiyaha Ururka Ginbot 7 oo si weyn loogu soo dhaweeyay Adis Ababa

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Rooble oo Sheekh Shariif kala hadlay Arin uu Walaac ka muujiyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Mahad & qoyskiisu dowlada Soomaaliyeed ayey cadaalad ka sugayaan! Dhacdo Murugo leh (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali