Allbanaadir.com
NEWS

Muuse Biixi oo Cafis u fidiyay in ka badan 400 maxbuus oo dambiyo…

Madaxweynaha  Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne uu soo saaray cafis guud u fidiyey Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada Somalilamd ku xidhan.

Muuse Biixi ayaana cafis u fidiyay maxaabiis kala duwan oo gaareysa 413 maxbuus, maxaabiistan cafiska loo fidiyay ayaana ah kuwa dambiyada fud fudud galay.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Markaan Arkay: Qodobka 90aad Faqraddiisa 5aad ee Dastuurka Somaliland;

Markaan Arkay: Qoraalka Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta ee summaddiisu tahay TCA/G-1/09/2024, kuna taariikhaysan 07/01/2024, ujeeddadiisuna tahay Soo-gudbin Liisaska Maxaabiista Cafiska galaya Sannadkan 2024-ka;

Markaan Arkay: Soo-jeedinta Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud  ee summaddiisu tahay XIG/JSL/02/2024, kuna taariikhaysan 07/01/2024;

Markaan La-tashaday: Hay’adaha Ay Khusayso;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan tahay 413 (Afar Boqol, Saddex iyo Toban) maxbuus. Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaya dembiyadda ay ku xukunnaayeen. Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista.

 

Related posts

Shirkii Jabuuti oo burbur qarka u saaran iyo Somaliland oo diiday qodob sheegaya..

Caydiid Ali

Madaxweyne Qoorqoor oo soo saaray liiska Musharaxiinta kursiga …

Cabdi Cade

Nin Ilaalo u ahaan jiray Osama Bin Ladin oo laga musaafuriyay dal Yurub kuyaala

Cabdi Cade
Taboola Ads ---