Allbanaadir.com
NEWS

Caqabad soo wajahday Weerarkii Israel ku qaadi laheyd Iran

Wargeyska Wall Street Journal, oo soo xiganaya saraakiil Maraykan ah ayaa sheegay in waddamada khaliijka ay ku wargeliyeen Mareykanka inay ka hortagi doonaan haddii ay diyaaradaha Israa’iil iskudayaan inay adeegsadaan hawadooda iyagoo weerarro fulinaya

Sidoo kalena waxay sheegeen inay ka soo horjeedaan Mareykanka inuu weerarro ka qaado saldhigyada uu ku leeyahay gudaha khaliijka.

Tani waxay u muuqataa inay la xiriirto digniintii dhinaca Iran, oo u sheegtay dalalkan inaysan siin karin dammaanad qaad la xiriira badqabka xarumaha shidaalka ee dalalka khaliijka, haddii  Israa’iil iyo Mareykanka ay weerarro ka geystaan gudaha Iran iyagoo adeegsanaya hawada khaliijka iyo saldhigyada uu Mareykanka ku leeyahay.

Fallanqeeyayaasha ayaa u arka weerarrada jawaabta ee la filayo inay Israa’iil ka geysato gudaha Iran inay u dhici karaan gantaallo laga riddo gudaha Israa’iil iyo howlgallo dilal lagu beegsado hoggaanka sare ee Iran.

Dhinaca kale, Wargeyska Financial Times, ayaa ku warramay dhex dhexaadiyaasha xabbad-joojinta Qasa inay ka quusteen iskuday kasta, taasina ay hadda dhalisay in la iska laabay faylashii la xiriiray raadinta heshiis xabbad-joojin ah oo ka dhacda Qasa.

Hadda Israa’iil ayaa u aqoonsatay dagaalka Qasa, furinta labaad, iyagoo culeyskooda geeyey dhinaca Lubnaan. Toddobaadkan sidoo kale waxaa laga arkay gudaha marinka Qasa inay adeegsanayso Israa’iil hannaan go’doomin ah, waa sababta aan u aragnay in dagaalyahannada Xamaas ay bannaanka u soo baxayaan iyagoo ku beegsanaya goobahooda ciidanka Israa’iil, sababtoo ah siyaasadda go’doominta waa mid halis ku ah Xamaas.

Related posts

Wafdi hordhac ah iyo ilaalada Madaxweyne Deni oo Muqdisho soo gaaray

Caydiid Ali

Deni oo booqasho ku tagay degmooyinka fog ee gobolka Garfadafuu (Sawirro)

Caydiid Ali

(Akhriso) Koox loo heysto dembiyo culus oo la soo taagay Maxkamadda G/Banaadir

Caydiid Ali
Taboola Ads ---