Madaxweynaha dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki, iyo dhigiisa Masar iyo Somalia Abdel Fattah El-Sisi & Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa War murtiyeed wadajir ah ka soo saaray kulan sadex geesood ah oo ka dhacay magaalada Asmara.
Madaxda Somalia iyo Masar ayaa ku kala laabtay dalalkooda ka dib kulankaas, iyadoo war murtiyeedka uu qornaa sidatan hoose
War Murtiyeed wadajir ah
Ka dib casuumaad wanaagsan oo uu u fidiyay Madaxweynaha dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar Mudane Abdel Fattah El-Sisi iyo Madaxweynaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Saddexda Madaxweyne waxay maanta oo ay taariikhdu tahay October 10, 2024 ku kulmeen magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea.
Inta uu socday kulanka, Madaxweynayaashu waxay wada tashiyo ballaaran oo ku saabsan arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ku yeesheen shir madaxeed saddex geesood ah.
Saddexda Madaxweyne waxay hoosta ka xariiqeen inay lama huraan tahay in loo hoggaansamo mabaadi’da aasaasiga ah iyo tiirarka sharciga caalamiga ah oo saldhig u ah xasilloonida iyo iskaashiga gobolka: gaar ahaan ixtiraamka aan mugdi ku jirin ee madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalalka gobolka; ka hortagga faragelinta arrimaha gudaha ee dalalka gobolka; isku xirka dadaallada wadajirka ah ee lagu gaarayo xasilloonida gobolka; iyo abuurista jawi ku habboon horumarka wadajirka ah iyo kuwa waara.
Waxaa la isku afgartay in la horumariyo, lana xoojiyo iskaashiga iyo isku xirka saddexda dal, si sare loogu qaado tayada hay’adaha dowliga ah ee Soomaaliya si ay uga hortagaan caqabadaha kala duwan ee gudaha iyo dibadda, iyo in ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ay awood u yeeshaan inay ka hortagaan argagaxisada nooc kasta oo ay tahay, isla markaana ay ilaashadaan dhulkooda. iyo xudduudaha badda iyadoo laga duulayo midnimada dhuleed.
Haddaba, shirkan ayaa si qoto dheer looga dooday, waxaana la isku afgartay qodobbada soo socda.
in loo howlgalo xal u helida qalalaasaha ka taagan Suudaan iyo saamaynta gobolka.
Xaaladda Soomaaliya marka la eego is-bedellada gobolka ee u dambeeyay.
Arrimaha amniga iyo iskaashiga u dhexeeya Waddamada Badda Cas iyo marin biyoodka Bab al-Mandab iyada oo la eegayo muhiimadda ugu weyn ee ay leedahay marin badeed muhiim ah.
Hannaanka isku xirka diblomaasiyadeed iyo dadaallada wadajirka ah ee ka dhexeeya saddexda waddan.
Waxay soo dhaweeyeen dadaalka ay dawladda Ereteriya iyo Jamhuuriyadda Carabta Masar ku taageerayaan xasilloonida dawladda aan walaalaha nahay ee Soomaaliya iyo kor u qaadida awoodda dawladda Faderaalka, waxayna bogaadiyeen yabooha Jamhuuriyadda Carabta Masar ee ah in ay ku biirto ciidamadeeda howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya.
Waxaa lagu heshiiyey in la dhiso Guddi Wadajir ah oo Saddex geesood ah oo ka kooban Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ereteriya, Masar, iyo Soomaaliya si ay u yeeshaan iskaashi istaraatiijiyadeed oo dhinac walba ah.
HOOS KA DAAWO SAWIRADA OO BAYAANKA OO ENGLISH AH.