Allbanaadir.com
NEWS

Soomaaliya iyo Masar oo soo saaray bayaan wadajir ah (Akhriso)

Madaxweyneyaasha dowladaha Masar iyo Soomaaliya ayaa ku kulmay magaalada Asmara ee dalka Eritrea 10-kii October 2024, waxayna ku heshiiyeen qodobbada soo socda.

1-Xaqiijinta Midnimadda iyo Qaranimada:

Labada dhinac waxay xaqiijiyeen inay si buuxda u taageersan yihiin midnimada, madaxbannaanida iyo gobanimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxayna diideen faragelin iyo fal kasta oo dibadda ah oo khatar ku ah.

2-Xoojinta Iskaashiga:

Labada dal waxay ujeedadoodu tahay in la xoojiyo iskaashiga siyaasadda gudaha iyo dibadda si loo xoojiyo hay’adaha dawladda Soomaaliya, gaar ahaan ciidammada qaranka si loo sugo xuduudihiisa, loona ilaaliyo nabadda iyo xasilloonida.

3-Qaadista Cunaqabataynta Hubka:

Masar waxa ay taageertay codsigii Soomaaliya ee ahaa in laga qaado cunaqabataynta hubka ee sanadka 2023, iyadoo carabka ku dhufatay dadaalka ay Soomaaliya ugu jirto sidii kor loogu qaadi lahaa tayada ciidamada qaranka ee uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

4-Dhamaadka Xilliga Kala-guurka ee ATMIS:

Labada dowladood ayaa taageeray bayaanka Midowga Afrika ee ku aaddan nabadda iyo amniga (Qaraarka 2714), kaasoo qeexaya dhammaadka marxaladda ku meel gaarka ah ee Soomaaliya. Labada dhinacba waxay ku nuuxnuuxsadeen muhiimadda ay leedahay dhaqan gelinta qaraadkaas.

5-Taageeridda Dowladda Soomaaliya:

Masar waxay carrabka ku adkeyneysaa muhiimadda ay leedahay in la sii wado taageerada dowladda Soomaaliya si ay u dhisto hay’ado dowladeed oo xooggan, gaar ahaan iyadoo la kaashaneysa Midowga Afrika iyo saaxiibada gobolka.

6-Qaababka Taageerada Soomaaliya:

Masar waxa ay ballan qaadaysaa in ay Soomaaliya ku taageerto qaabab kala duwan oo ay ka mid yihiin tayaynta ciidanka iyo barnaamijyada wadajirka ah ee kor u qaadaya amniga iyo xasilloonida.

7-Iskaashiga Gobolka iyo Beesha Caalamka:

Labada dal waxay ku celceliyeen inay ka go’an tahay inay si dhow isaga kaashadaan arrimaha gobolka iyo caalamka, iyadoo diiradda la saarayo caqabadaha la xiriira amniga, horumarka, iyo iskaashiga gobolka.

HOOS KA AKHRISO BAYAANKA

 

Related posts

Qarax dhimasho iyo dhaawac geystay oo goor dhow ka dhacay Boosaaso

Caydiid Ali

Taliyaha NISA oo hawada ka saaray barihii bulshada uu lahaa iyo hadal heyn ka dhalatay !

Cabdi Cade

Saaxiibo isla cabi jiray Xashiishka kana tirsanaa Al Shabaab oo xukun lagu riday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---