Allbanaadir.com
NEWS

Duufaanta Milton oo dhimasho & burbur ka geysatay USA (Sawirro)

Gobolka Florida ee dalka Mareykanka ayaa wajahaya duufaan aan nus qarni soo marin dunidda oo loogu magac daray Milton

Waxay wadataa roobab mahiigaan ah iyo dabeyl ku socda xawaare dhan 205 km saacaddiiba.

Waxaa laga cabsi qabaa in ay deegaanno badan oo ka tirsan Florida ku sababto daadad halis ah.

In ka badan 1 milyan oo qof ayaa ka qaxay gobolkaas oo hadda inta badan isku beddeli raba dhul argagax leh oo lama deggan ah, iyadoo sidoo kale korontada iyo isgaarsiinta ay ka maqantahay deegaanno badan oo ka tirsan gobolkaas.

Waxaa dadka loogu baaqay inay gacantooda ku qoraan nooca dhiigooda, maaddama ay xilli walba xaalad khatar ah wajihi karaan.

Dad badan ayaa ka qaxay guryahoodii, tan iyo markii uu soo baxay warka ku aaddan in gobolkaa duufaanno ku soo began yihiin.

Laba milyan oo guri iyo meherado ayaa hadda koronto la’aan ah. Habeenkii marka la gaadho xaafado badan ayaa maran, maadaama adeegyada gurmadka degdegga ah ay ka digeen in ay khatar tahay in ay ka jawaabaan wicitaannada.

Xeebta Atlantic, booliisku waxay sheegeen in ay jiraan dhimashooyin ka dhacay goob dalxiis ka dib markii dhowr duufaano ay ku dhufteen muddo 20 daqiiqo gudahood ah.

Iyadoo loo diyaargaroobayo dadaalka dib u soo kabashada, masuuliyiinta gobolka ayaa u daad gureeyay ku dhawaad 10,000 oo ka tirsan ilaalada qaranka, iyadoo la diyaariyey in la qaybiyo ilaa 20 milyan oo xitmooyin cunto ah iyo 40 milyan oo litir oo biyo ah.

Related posts

Xaruntii Ex Baarlamaan oo laga dhigayo goob loo dalxiis tago (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Tartanka Wadaag Cup ee Muqdishu Cable Tv oo jaamacadaha Muqdisho loo qabtay (Sawirro)

Cabdi Cade

(Sawirro) Go’aano ka soo baxay Shir DF iyo dowlad goboleedyada ugu dhamaaday Garowe

Caydiid Ali