Allbanaadir.com
NEWS

Al-Sisi oo gaaray Asmara & shir sadex geesood ah oo furmay (Sawirro)

Madaxweynaha Masar Abdelfatah Al Sisi ayaa ka degay magaalada Asmara ee dalka Eritrea halkaasoo uu horey ugu sugnaa Madaxweynaha Somalia

Madaxweynayaasha Eritrea, Masar iyo Soomaaliya ayaa shir saddex geesood ah uga furmay Asmara.

Waxaa shirka looga hadlayaa arrimaha Amniga, Xasilloonida, Iskaashiga dalalka Gobolka Geeska Afrika iyo Badda Cas, waxaana la filayaa in war murtiyeed laga soo saaro.

Wasiirada Arrimaha Dibadda dalalkan ayaa shir gaar ah u socdaa oo lagu lafa-gurayo war murtiyeedka shirka, waxayna saxiixi doonaan heshiiska isbaheysiga saddex geesoodka Masar, Soomaaliya iyo Eritrea.

Shirkan ayaa ku soo aaday, iyadoo uu sii xoogeysaneyo xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, sidoo kalena uu xumaaday xiriirka Itoobiya iyo Eritrea.

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse iyo James Swan oo wadahadal Xasaasi ah yeeshay

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo & dhigiisa Erdogan oo khadka telefanka ku wada hadlay

Caydiid Ali

Dowladda Soomaaliya oo u Mahadcelisay Dowladda Mareykanka iyo Ilhaan Cumar

Cabdi Cade
Taboola Ads ---