Allbanaadir.com
NEWS

Maandooriye tiro badan oo doon lagu waday oo gacanta lagu dhigay (Sawirro)

Ciidamada booliiska maamulka Jubbaland, ayaa gacanta kusoo dhigay maandooriye badan oo xashiish ah, kaa oo lagu safrinayay doon, waxaana howlgalka doontan lagu qabtay ay ka dhacday xeebta Calanley ee magaalada Kismaayo.

Maandooriyahan ay booliiska qabteen oo ahaa kiishash Xashiish ah oo gaaraya 76 kiilo ayaa lagu soo badhigay xeebta Calanley, waxa ay sidoo kale ciidamada booliiska qabteen labo doon oo siday xashiishka la safrinayay.

Ciidamada booliiska maamulka Jubbaland , ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay shan nin oo kamid ah ragii waday xashiishkan tiraa badan , kuwaas oo la sheegay in ay rabeen in ay si qarsoodi ah ku soo galiyaan gudaha magaalada Kismaayo.

Hoggaanka qorsheynta iyo tababarada, ahna Afhayeenka qaybta booliska gobolka Jubbada Hoose, Dhame Shukri Faarax Ducaale ayaa sheegay in laamaha amniga heleen xogta doontan waday xashiishka badan, ayna sidaasi ugu suurto gashay in gacanta kusoo dhigaan xashiishka iyo raggii waday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Hoggaamiyaha Xamaas oo ka hadlay dilka ciidamada Israel u geysteen caruurtiisa

Caydiid Ali

C/raxmaan C/shakuur: “Ciidan aan sharci hagaya jirin waxba ma dhaamo argagaxisada”

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo Addis ababa kula kulmay dhigiisa Nana Akufo-Addo (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---