Dood iyo hadal heyn badan ayaa ka dhalatay markii madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu xarunta Xalane u tegay sidii uu Aqoonsiga danjirenimo uga guddoomi lahaa safiirka cusub ee Mareykanka u soo magacaabay Soomaaliya.
Safiirada cusub ee dalalka caalamka u soo magacaabaan ayaa sida caadiga ah Protocol ahaan waxay tahay iney Madaxweynaha xafiiskiisa ugu tagaan halkaasna looga gudoomo waraaqaha aqoonsiga balse Madaxweyne Farmaajo ayaa taas bedelkeed ka baxay xafiiskiisa isagoo tegay xarunta dhismaha Mareykanka ee Xalane halkaasoo uu ku qaabilay safiirka Mareykanka Donald Yukio Yamamoto kagana guddoomay aqoonsigiisa danjirenimo.
Arintan ayaa qabsatay baraha bulshada, iyadoo Xildhibaanno, siyaasiyiin iyo dadweyne kala duwan ay si weyn uga hadlayaaan, iyagoo ku tilmaamay bah-dil iyo maqaam liita oo madaxweynihii ugu sareeyay dalka uu ku kacay.
Dadka qaarkood ayaa arrintan u arkay inay tahay taariikh madow iyo bahdil Mareykanku ku sameeyay Soomaaliya, iyadoo uu aqbalay madaxweyne Farmaajo oo doorashada ku soo galay wadaniyad.
Hase ahaatee dad kale, ayaa aaminsan in Madaxweynuhu  ku qasban yahay inuu debecsanaan muujiyo, iyadoo la eegayo marxalada dalka uu ku jiro.
Diblomaassiyiinta Mareykanka ayaa loo ogoleyn inay dhaafaan xeyndaabka Garoonka Muqdisho arrimo amni dartood, iyadoo madaxdii ka horeysay Farmaajo sida Xasan Shiikh iyo Shariif Shiikh Axmed ay sidan oo kale diblomaasiyiinta Maraykanka ku qaabili jireen gudaha xeyndaabka garoonka Aadan Cabdulle.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com