Waxaa sii kordhaya dilalka iyo dhibaatooyinka kale ee dalka Koonfur Afrika loogu geesanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaasi nolosha u raadsaday, waxaana saacadihii lasoo dhaafay dalkaasi dil iyo dhaawac loogu geestay wiilal Soomaaliyeed.
Kooxo burcad hubeysan ayaa xalay dukaan kuyaalla deegaanka Khayelitsha ee hoostaga magaalada Cape Town , ku dilay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabayay Cabdi Xasan Cali, burcada ayaana wiilkan ku weeraray dukaankii uu ka shaqeenayay kuna dhax toogtay.
Dilka kaddib ayaa la sheegay in burcada hubeysan ay goobta isaga baxsadeen, ciidamo katirsan booliiska magaalada Cape Town oo gaaray goobta uu dilku ka dhacay ayaa bilaabay baaritaanno, waxa ayna ciidamada sheegeen in ay ku raad joogaan dadkii dilka ka dambeeyay.
Dhinaca kale koox kale oo burcad ah ayaa xalay deegaanka Springs ee hoostagta magaalada Johannesburg ku dhaawacay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabayay Xuseen Qalaafe, burcada ayaana la sheegay in dukaanka uu joogay wiilka ay dhaawaceen ay dhac ka geesanayeen.
Dilalka , dhaawaca iyo dhaca loo geesanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee kunool dalka Koonfur Afrika , ayaa noqday kuwa dalkaasi joogta ka ah, mana jiraan wax muuqda oo laamaha ammaanka dalka Koonfur Afrika ka qabtaan dhibaatooyinka Soomaalida dalkaasi loogu geesto.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com