Allbanaadir.com
NEWS

Kulan xasaasi ah oo Asmara ku dhax maraya Madaxda Soomaaliya, Masar iyo Eritrea

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa shalay gaaray magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea, kaddib martiqaad rsami ah uu ka helay dhigiisa dalkaasi Isaias Afwerki.

Magaalada Asmara, ayaa maanta sidoo kale lagu wadaa in uu gaaro Madaxweynaha dalka Masar Abdelfatah Al Sisi oo isna martiqaad ka helay Madaxweynaha Eritrea, waxaana magaalada Asmara ka socota qaban qaabada soo dhaweynta wafdiga Madaxweynaha Masar.

Afhayeenka Madaxweynaha Masar,  ayaa sheegay in  Madaxweyne Al Sisi iyo Madaxweyne Afwerki ay ka wada hadli doonaan xiriirka labada dal ee dhinacyada kala duwan, gaar ahaan xaaladaha gobolka iyo dadaalada lagu xoojinayo xasilloonida iyo amniga Geeska Afrila iyo Badda Cas.

Waxaa sidoo kale lagu wadaa in magaalada Asmara kulan saddex geesood ah ku yeeshaan Madaxweynayaasha Soomaaliya, Masar iyo Eritrea, kuwaa oo kawada hadli doono xaalada gobolka , gaar ahaan xiisada xilligan dalalkaasi kala dhaxeysa Itoobiya.

Madaxda Soomaaliya, Masar iyo Eritrea , ayaa la filayaa in ay sameestaan isbaheysi cusub oo ka dhan ah dowladda Itoobiya, waxaana muddooyinkii dambe sii xoogeesanayay iskaashiga ka dhaxeeya saddexda dal ee Soomaaliya, Masar iyo Eritrea.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Amaanka Muqdisho oo si weyn loo adkeeyay kadib cabsi xoogan oo soo korortay

Cabdi Cade

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo kormeeray dekadda Muqdisho (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Lacag ku dhaw 1 Milyan Dollar oo ku baxday Doorashada kursigii uu ku guuleestay Muuse Suudi

Cabdi Cade
Taboola Ads ---