Shirkadda diyaaradda Kenya Airways, ayaa go’aansatay in ay joojiso duulimaadyadii ay ku tagu jirtay magaalada Muqdisho, kaddib suuq xumo lasoo daristay shiradaasi.
War qoraal oo kasoo baxay shirkadda ayey ku shaacisay in ay joojinayso duulimaadyadii magaalada Muqdisho ku tagi jirtay laga bilaabo 14ka October 2024, waxa ayna shirkadda sheegtay in iyada oo eeeysa danteeda ganacsi iyo moidda suuqa go’aansatay in duulimaadyadaasi joojiso.
Saraakiisha duulista ayaa rumeysan in go’aankan uu ku qasbey xaaladaha suuqa gaar ahaan tikitka Soomaaliya ooo la raqiisiyay, kaddib tartan adag oo uga yimid dhawr shirkadood oo Soomaali leedahayoo adeeg qiimo jaban bixiya.
Go’aankan shirkadda diyaaradaha Kenya Airways ku joojineyso duulimaadka ay ku tagi jirtay Soomaaliya , ayaa imaanaya kaddib markii shirkadaha diyaaradaha Soomaalida uu khilaaf soo kala dhax galay, taas oo sababtay in qiimaha tikitka meeshii ugu hoseesay la gaarsiiyo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com