Khadka Telefoonka ee Eritrea Itoobiya ayaa mar kale go’ay iyadoo ay jirto xiisad laba geesood ah. Labada dal, inta badan 3-dii sano ee la soo dhaafay, ayaa weli muran ka taagnaa.
1998-dii, Eritrea iyo Itoobiya waxaa dhexmaray dagaal sababay dhimashada 80,000 oo qof. Laga soo bilaabo 1998 ilaa 2018, khadadka isgaarsiinta ee labada dal ayaa weli hakad ku jira. Diyaaradda Ethiopian Airline ayaa loo diiday inay ka hawlgasho Eritrea, waxaana gebi ahaanba la hakiyay xiriirkii diblomaasiyadeed.
Sanadka 2018, waxaa bilowday xilli dib u heshiisiin. Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa wada saxiixday heshiis nabadeed. Waxaa dib loo soo celiyay xiriirkii diblomaasiyadeed. Diyaarada Ethiopian airlines ayaa bilowday duulimaadyo ay ku tagi jirtay kana imanaysay Axmaarada. Xidhiidhka telefoonka ayaa dib u bilaabmay
Waxay u muuqataa in xilligii dib-u-heshiisiinta uu dhammaaday. Sida la sheegay, waxaa mar kale la jaray khadkii telefoonnada ee u dhaxeeyay Eritrea iyo Itoobiya. Muwaadiniinta Eritrea ma awoodaan inay la xiriiraan eheladooda ku sugan Itoobiya. Itoobiya waxay martigelisaa tobanaan kun oo qaxooti Eriteriyaan ah.
Bishii hore ayay ahayd markii shirkadda diyaaradaha ee Ethiopian airline ay joojisay duulimaadkii ay ku tagi jirtay magaalada Asmara kadib markii dowladda Eritrea ay u qabatay shirkadda Ethiopian airline in ay joojiso howlaheeda shaqo ee Eritrea. Xidhiidhka diblumaasiyadeed ayaa ah mid wali taagan balse inta badan ma jiraan wax xidhiidho dublamaasiyadeed oo u dhexeeya labada dal.
Eritrea waxay taageertay militariga Itoobiya ee ka dhanka ah dagaalyahanada Tigrayga ee dagaalkii dhawaan ka dhacay waqooyiga Itoobiya. Kadib markii TPLF iyo dawladda federaalka Itoobiya ay heshiis nabadeed kala saxeexdeen Pretoria Noofambar 2022, Eritrea Itoobiya xidhiidhkoodu wuu xumaaday. Arrin kale oo weyn oo sii xumaynaysa xidhiidhka laba geesoodka ah waa sheeko cusub oo Itoobiya ka qortay marin-u-helidda badda. Sannadkii hore, ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, ayaa khudbad uu jeediyay ku sheegay in Itoobiya ay leedahay xuquuq dabiici ah oo ay ku heli karto badda. Khudbadiisa ayaa loo arkayay mid halis ku ah Eritrea maadaama ay Itoobiya danaynayso inay dib u hesho dekedda Casab ee Eritrea.