Allbanaadir.com
NEWS

Sidee Xassan Shiikh loogu soo dhoweeyey Asmara? (Sawirro)

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigii uu horkacayey ayaa galabta gaaray magaalada Asmara ee dalka Eritrea

Waxaa garoonka dayuuradaha Magaalada asmara ku soo dhoweeyey dhigiisa dalkaas Isaias Afwerk iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka Warfaafinta Eritrea Yemane Gabremeskel ayaa sheegay in booqashada Xassan Shiikh ay ka dambeysay ka dib martiqaad uu ka helay dhigiisa Eritrea.

Yemane Gabremeskel ayaa xusay in Madaxweyne Xassan Shiikh iyo wafdigiisa booqashada ay ku joogaan dalkaas ay muddo saddex cisho ah qaadan doonto.

“Labada madaxweyne waxay ka wada hadli doonaan xoojinta dheeriga ah ee xiriirka laba geesoodka ah ee wadajirka ah ee ka jira labada dal iyo sidoo kale arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee danta labada dhinacba” ayuu yiri Madaxweynaha.

Wasiirka Arimaha Dibadda ee Soomaaliya, Ahmed Macalin Fiqi ayaa ka mid ah wafdiga Madaxweyne Xassan Shiikh ee gaaray Asmara.

Related posts

Daawo: Musharax Kheyre oo shaaciyay sababta uu u doonayo inuu Madaxweyne u noqdo

Cabdi Cade

Sargaal katirsan maamulka Hirshabelle oo Dil argagax leh xalay ka geestay Jowhar

Cabdi Cade

Ciidankii beesha Murusade iyo masuuliyiintii hoggaamineysay oo Maxaas gaaray (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---