Allbanaadir.com
NEWS

Xassan Shiikh & wafdi uu horkacayo oo dalka ka dhoofay

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u dhoofay magaalada Asmara ee dalka Eritrea

Wasiirka Arimaha Dibadda ee Soomaaliya, Ahmed Macalin Fiqi oo wafdiga Madaxweynaha qeyb ka ah in Xassan Shiikh uu la kulmayo Madaxweynaha Ereteriya Isaas Isaias Afwerk ayna ka wada hadlayaan xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Ereteriya.

Fiqi ayaa intaas ku daray in wadahadalada ay sidoo kale diirada saari doonaan xoojinta arrimaha guud ee danaha labada dal gaar ahaan amniga iyo xasilloonida gobolka.

Warar kale ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhici doono wadahadal qarsoodi ah oo saddex geesood ayna qeyb ka tahay dowladda Masar.

Muqdisho, Qaahira iyo Asmara ayaa lagu waramay in ay dhisayaan isbaheysi ka dhan ah Itoobiya. Talaabadan waxay dad badan soo xasuusisay isbaheysigii ay horey u sameysteen Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea kaasoo markii dambe si degdeg ah u fashilmay.

Related posts

Ciidamada Xoogga dalka oo Al-shabaab kala wareegay degaano cusub (Sawirro)

Caydiid Ali

Masaajidyo ku yaalla Magaalada Christchurch oo dad lagu laayey (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo maanta kormeer shaqo sameeyay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---