Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Farmaajo & Khayre oo ka baaqday shir Madaxeedka Midowga Afrika ee ka furmay Addis Ababa

Ra”iisul wasaaraha dalka Itoobiya Dr.Aby Ahmed ayaa maanta si rasmi ah u furay shir madaxeedka dalalka Midowga Afrika oo ka dhacay magaalada Adis-ababa ee dalkaasi.

Dr.Aby Ahmed  oo halkaasi ka jeediyay khudbaddii furitaanka, waxa uu soo dhoweeyay madaxdii ka qeybgashay shirkaasi , isagoo ka warbixiyay in la sii ambaqaado qodobada muhiimka ah ee  loo baahan yahay in Qaaradda Afrika ay ku tallaabsato.

Ra”iisul wasaaraha Itoobiya waxa uu caddeeyay in ay lagama maarmaan tahay wada shaqeyn laga yeesho aayaha Qaaradda, gaar ahaan sidii loo abuuri lahaa jewi nabadeed iyo  kor u qaadidda dhaqaalaha.

Madaxweynaha dalka  Rwanda Paul Kagame  ahna guddoomiyaha Midowga Afrika ee sanadkan ayaa sheegay in hadafka isbadalka loo baahan yahay uu yahay in la helo Afrika oo xoogan, isla markaana dadkeedu ay helaan mustaqbal wanaagsan .

Kulankaasi waxaa kaloo ka hadlay Moussa Faki Mahamat oo ka mid ah la guddoomiyaasha guddogga midowga Afrika, isagoo  faahfaahiyay dhaqdhaqaaqyada isbadalada loo baahan yahay.

Dhinaca kale, Madaxweynaha iyo raisul Wasaaraha Somalia ayaa ka baaqday ka qeyb galka shir madaxeedka midowga afrika ee sanadkan sababo aan la ogeyn awgood, waxaana Somalia ku metelaya Raisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Mahdi Maxamed Guulleed (Khadar) iyo wafdi uu horkacayo oo uu ka mid yahay Wasiirka arrimaha dibeda Axmed Ciise Cawad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Maxay ka wada hadleen Raisul wasaaraha Somalia iyo Danjire James Swan?

Caydiid Ali

Xildhibaan sheegay inuu qorsheysnaa dilkii Gudddoomiye Dhegajuun & Mucaaradka oo..

Caydiid Ali

Iiraan oo qarka u saaran iney si toos ah u gasho dagaalka looga soo horjeedo Israel

Caydiid Ali