Weerar toorey oo loo adeegsaday oo geystay nin Carab ah oo heysta dhalashada Israa’iil ayaa lagu dhaawacay ugu yaraan 6 Israa’iiliyiin ah , iyadoo weerarka uu ka dhacay magaalada Hadera, oo ku taal waqooyiga Tel Aviv.
Ninka weerarka geystay ayaa mooto ku wareegayay magaaladaa qof kasta oo uu arkanaya wuxuu ku weerarrayay toorey, markii dambe booliiska ayaa qabtay oo xiray.
Booliisku si dhakhso ah uma aysan bixin faahfaahin kale, laakiin waxay soo saareen fiidiyow kooban oo ku saabsan weerarka iyo nin lagu tuhunsan yahay oo la qabtay.
Lixda qof ee dhaawaca ah ayaa loola cararay Isbitaalka, ugu yaraan laba ka mid ah waxay ku jiraan xaalad halis ah, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.
Ciidanka Israel ayaa heegan ku sugnaa tan iyo markii ay Xamaas weerareen sannad ka hor taasoo dhalisay dagaalka ka dhacaya Gaza iyo xadka israel iyo Lubnaan.