Allbanaadir.com
NEWS

Axmed Madoobe oo Muqdisho lagu soo celinayo iyo Shirka Wadatashiga oo…

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) , ayaa maalmo kahor isaga baxay shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee ka socday Muqdisho, kaddib markii uu qaadacay qodobada qaar ee shirkaasi kasoo baxay.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Villa Soomaaliya wado dedaalo dib loogu soo celinayo magaalada Muqdisho Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe , si uu mar kale qeyb uga noqdo shirka Golaha Wadatashiga Qaran oon wali lasoo gunaanadin.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo isku heyb yihiin Axmed Madoobe booskana keensaday , ayaa ku guul dareestay in uu Axmed Madoobe ku qanciyo in uusan shirka ka bixin, sidoo kale ogolaado go’aannada madaxda Federaalka iyo kuwa maamulada kale gaareen.

Axmed Madoobe ayaa hadda la saaray cadaadis lagu qasbayo in uu kusoo laabto magaalada Muqdisho qeybna ka noqdo shirka Golaha Wadatashiga, waxaana Axmed Madoobe loo diray siyaasiyiin, odayaal, iyo ganacsato ku heyb ah si ay cadaadis u saaraan.

Villa Soomaaliya ayaana ka wel welsan diidmada Madaxweynaha Jubbaland muddo kordhin mar kale loo sameeyo madaxda dowlad goboleedyada, taa ay u aragto Villa Soomaaliya mid uu ku hirgali karo damaceeda ku aadan muddo kororsi iyo in dalka ka qabsoonto doorasho qof iyo cod ah.

Madaxweynaha Jubbaland haddii uu ku adkeesto go’aankiisa uuna diido in uu kusoo laabto magaalada Muqsdsho, waxaa fashil kusoo dhammaan doono qorshihii Villa Soomaaliya ee muddo kororsiga, waxaana lagu qasbanaan doonaa in doorashooyin laga qabto dowlad goboleedyada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo saxiixay Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2020-ka

Caydiid Ali

Ciidamadii Saadaq Joon iyo Indha Cadde oo aag cusub qabsaday iyo Ciidamada Haramcad oo…

Cabdi Cade

Jabhada TPLF oo magaalo hor leh la wareegtay iyo ciidamada Eretira oo firxad bilaabay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---