Allbanaadir.com
NEWS

Puntland oo shaqojoojin ku sameysay Masuuliyiintii Maxkamadda ciidamada

Maamul goboleedka Puntland, ayaa shaqojoojin ku sameeyay dhammaan mas’uuliyiintii maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo denbiyada culus ee maamulkaasi, kaddib amar kasoo baxay madaxtooyada Puntland.

Sida aan xogta ku helnay guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo dembiyada culus ee Puntland G/sare Cabdifitaax Xaaji Aadan iyo dhammaan xubnihii maxkamaddaasi ayaa  la xaqiijiyay in shaqada si KMG ah looga joojiyay.

Masuuliyiinta maxkamadda ciidamada ee shaqada laga joojiyay , ayaa la sheegay in ay rideen xukunno madaxda sare ee Puntland ka careysiiyay, taa oo soo dedejisay in si deg deg ah masuuliyiinta maxkamadda qaabilsanaa in shaqada laga joojiyo.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo dembiyada culus ee Puntland, ayaa marar badan riday xukunno aan qaarkood lagu salleyn caddaaladda, waxa ayna taasi keentay in ay lunto kalsoonidii ay shacabka iyo madaxdaba ku qabeen xukunnada maxkamadda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
  .

 

Related posts

Maraykanka oo baaq ka soo saaray khilaafyada Siyaasadeed ee ka jira Somalia

Caydiid Ali

Mahdi Guuleed oo xaalku ku xun yahay Dagaal Siyaasadeed cusubna bilaabay !!

Cabdi Cade

Yurub oo ka cabsanaysa in xogtooda sirta ah helaan maamulka Trump

Cabdi Cade
Taboola Ads ---