Qax xooggan ayaa ka bilowday gobolka Florida ee dalka Mareykanka, waxaana gobolkaasi isaga baxay qaar badan oo kamid ahaa dadkii deganaa, kaddib markii dadkaasi lagu maray in sida ugu dhaqsiyaha badan uga baxaan guryahooda.
Duufaan Milton oo lagu tilmaamay mid ka mid ah kuwi ugu darraa ee dalka Mareykanka soo maro, ayaa lagu wadaa in ay ku dhufato Arbacada maanta ama Khamiista xeebaha gobolka Florida, waxaana laga digay khasaaro badan oo ka dhalan karta duufaantaasi.
Dad ka badan hal milyan qof oo degan aagga xeebya ee gobolka Florida, ayaa amar lagu siiyay in ay isaga qaxaan guryahooda, waxaana shalay sii xoogeestay derjada lagu cabiro hal beegga duufaanta, iyadoona la sheegay in shalay duufaanta gaartay derajada shanaad.
Dalka Mareykanka dhawaan waxaa ku dhuftay duufaan loogu magacdaray Helene, taas oo sababtay geerida dad badan oo Mareykan ah, waxaana la sheegay in duufaanta hadda la filayo ee Milton in ay ka xoog iyo saameyn badan tahay tii dhawaan ku dhufatay Mareykanka .
Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden, ayaa uga digay dadka ku nool gobolka Florida i in ay ka baxaan guryahooda, waxa uuna xusay in duufaanta Milton ee la filayo in ay gobolka ku dhufato noqon karto geeri ama nolol , waxa uuna xusay in dowladda sameeneyso wax kasta oo karaankeeda ah.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com .