Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir Fiqi oo kulan arrimo muhiim ah looga hadlay la qaatay Marina Walter

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Marwo Marina Walter, oo ah Ku-xigeenka Agaasimaha Goboleedka ee Dalalka Carabta ee Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP), iyo wafdi ay hoggaaminaysay.

Kulankan, labada dhinac waxay diiradda saareen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo isuduwidda wadajirka ah ee u dhexeeya UNDP iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa uga mahad celiyay Marwo Walter doorka muhiimka ah ee UNDP ay ka qaadato horumarinta Soomaaliya, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta wada shaqeynta dhinacyada kala duwan.

Intii lagu jiray kulanka, waxaa si gaar ah loogu falanqeeyay arrimo badan oo dan guud ah, iyadoo lagu nuuxnuuxsaday muhiimadda isuduwidda dadaallada horumarineed si looga faa’iidaysto khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya, sida beeraha iyo kalluumeysiga. Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay caqabadaha jira iyo hababka ugu habboon ee looga gudbi karo si loo gaaro yoolalka horumarineed ee dalka.

Kulankan wuxuu qayb ka yahay dadaalka sii socda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee lagu xoojinayo iskaashiga caalamiga ah si kor loogu qaado horumar waara oo Soomaaliya ay ka gaarto dhinacyada horumarka iyo iskaashiga caalamiga ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada dowlada oo xoog ku joojiyay Munaasabad Ahlu Sunna ku qaban laheyd Dhuusomareeb

Cabdi Cade

Raisul Wasaare Rooble iyo wafdi uu horkacayo oo ku wajahan dal ka tirsan Yurub

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo ku dhawaaqay Sadex maalin oo Baroor-diiq Qaran ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---