Allbanaadir.com
NEWS

FBI-da Mareykanka oo xiray Nasir Ahmad iyo xogta Dambiga loo heesto

Hey’adda FBI-da Marykanka ayaa sheegtay Talaadadii shalay, inay soo xirtay nin u dhashay dalka Afgaanistaan oo ay saraakiishu sheegeen in uu taageersanyahay Ururka Daacish.

Ninkan ayay FBI-du sheegtay in uu qorsheynayay weerar uu ka geysto bar tilmaameedyo ku yaala Mareykanka maalinta doorashada dalkan ay ka dhaceyso ee 5-ta bisha soo socota ee November.

Sida ay sheegtay wasaaradda Cadaaladda Mareykanka, ninkan oo ku nool magaalada Oklahoma ee dalkan Mareykanka ayaa lagu magaaabaa Nasir Ahmad Tawhedi, da’diisuna waa 27 sana jir.

Saraakiisha FBI-du waxay sheegeen in ninkan uu todobaadkii la soo dhaafay qaaday talaabooyinka qeyb ka ah u diyaar garowgiisa weeraro uu geysto. Waxay sheegeen inuu qalbaday qoriga AK-47, isla markaana uu xaraashay alaabadii qoyskiisa, isla markaana uu Ttikit u gooyay xaaskiisa iyo cunug yar oo uu dhalay si ay ugu safraan dalka Afganistan.

Sida ay sheegtay Waaxda Cadaaladda Mareykanka, Tawhedi ayaa u sheegay baarayaasha marka la soo xiray ka dib inuu qorsheeyay weerar maalinta doorashada lagu bartilmaameedsanayo goobaha ay dadka badan isu yimaadaan ee dalkan Mareykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Laftagareen: “Anigu ma codsan muddo kordhin ee Baarlamanka K/Galbeed ayaa sameeyey”

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay Magacaabista golaha Wasiirada iyo Qaban qaabo socota

Cabdi Cade

Haweeney isku daldashay degaan ka tirsan Gobolada dhexe & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---