Ururka Xisbullah ayaa ugu yaraan 100 gantaal saacado gudahood ku weerarray maanta magaalada dekeda leh ee Haifa
Magaladan ayaa ka mid ah magaalooyinka ugu waaweyn Israa’iil ee ay ku yaalan warshaadaha militariga, deked iyo xarumo kale oo muhiim ah, iyadoo la arkayay sawirrada la baahiyay burbur gaaray dhismayaal iyo xarumo ay gantaallada ku dhaceen.
Israel kama hadlin illaa hadda khasaaraha gantaaladan taasoo qeyb ka ah go’aan ay ku gaartay iney qariso khasaaraha weerarada ku socda si wejiga dagaalka looga muujiyo rayul caamka kuwo aan sameyn laheyn.
Israa’iil ayaa u yeertay ciidamo dheeraad ah oo ku biiraya howlgalka ay ka wadaan xadka koonfurta Lubnaan, xilli muddo ka badan labo toddobaad ay geli la’yihiin ciidanka Israa’iil ee ku sugan xadka Lubnaan gudaha dhulka koonfurta Lubnaan, iyadoo tan ay ku soo aadayso xilli ay ciidanka badda Israa’iil isku hareereynayaan xeebaha dalka Lubnaan, halkaa oo ay doonayaan inay madaafiic ka soo ridaan.
Shalay ayey aheyd markii Xisbullah ay madaafiic ku weerartay magaalada Tel aviv iyo magaalooyin kale oo ku yaalla gudaha Israel.