Dowlad goboleedka Puntland oo sannadkii labaad ka maqan ka qeyb galka shirka Golaha Wadatashiga Qaran, ayaa soo dhaweysay go’aanka uu shirka ka socda magaalada Muqdisho uga baxay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe,
Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa ku taageeray Madaxweynaha Jubbaland in uu isaga baxay shirka Golaha Wadatashiga Qaran , waxa uuna xusay Wasiirka in Axmed Madoobe iska diiday talo xumada hoggaanka sare ee dowladda Federaalka.
Waxa uu sheegay Wasiir Ceydiid in Madaxweyne Axmed Madoobe diiday qorshe loola yimid uu ahaa in muddo kordhin hal sanno ah loo sameeyo, si uu meesha uga saaro dastuurka u yaalla Jubbaland, hasa ahaatee uu iska diiday qaadashada qorshahaasi.
“Xasan Sheikh wuxuu ku yiri dowlad goboleedyad anaa muddo kordhin idin siinaya. Xasan wuxuu tuuray dastuurkii isku hayay dalka, haddana wuxuu rabaa inuu tuuro dastuurkii ay lahaayeen dowlad goboleedyada,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiirka.
Shirka Golaha Wasatashiga Qaran ee maalmaha badan ka socday magaalada Muqdisho ayaa fashil galay, kaddib markii uu ka baxay shirka isaga tagay Muqdisho Madaxweynaha Jubbalabnd Axmed Madoobe, mana jiro ilaa hadda wax go’aanno ah oo shirkaasi kasoo baxay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com