Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowladda Somalia oo War cad ka soo saartay dilka Suxufiga Jamal Kashoqgi (Akhriso)

Dowladda Soomaaliya ayaa Markii ugu horeysay ka hadashay dilka Saxafiga Jamal Kashoqgi ee ka dhacay Qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbuul, dalka Turkiga, iyadoo soo dhoweysay baaritaanka ay faafisay xeer ilaalinta Sacuudiga ee ku saabsan dilkan .

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay soo dhoweyneyso baaritaanka ay ku dhawaaqday Xeer ilaalinta guud ee Dowladda Sacuudiga ee ku saabsan dilka Saxafiga Jamal Kashoqgi.

“Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhoweyneysaa baadhitaanka ay ku dhawaaqday Xeer ilaalinta guud ee Dowladda aanu walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya, kaasoo lagu xogwareystay dadka u xidhxidhan dilka muwaadinka Sucuudiga Jamal Khashoggi. Soomaaliya waxay u aragtaa tallaabo loo qaaday dhanka wanaagsan si daaha looga qaado xaqiiqda dhabta ah ee ku saabsan xaaladaha kiiska” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xukuumada Somalia oo mar kale Maamul goboleedyada ka dalbatay xisaab celinta lacagihii…

Cabdi Cade

(Sawirro) War-Murtiyeed ka soo baxay shirkii Madaxda dalalka ciidamadu ka joogaan Somalia

Caydiid Ali

(Sawirro) Muxuu yahay Shirweynaha Madaxweyne Deni ka furay Garoowe?

Caydiid Ali