Allbanaadir.com
NEWS

Xamse Barre oo daahfuray Mashruuc ay dad badan ka faa’iidi doonaan (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in mashruuca Badmaal ay ka faa’iidaysan doonaan kumanaan ka tirsan kalluumaysatada Soomaaliyeed, islamarkaana dib u dhis loogu samayn doono kaabayaasha muhiimka u ah kalluumaysiga dalka.

Barnaamijka Badmaal ayaa ah mid diiradda saarayaa taageeridda bulshooyinka xeebaha iyo horumarinta maareynta Kalluumeysiga ee guud ahaan dalka iyo isku-xirnaanta iskaashatooyinka kaluunka ee dalka, si ay uga faa’iideystaan khayraadka baddeena hodanka ah ceegaaga.

Raiisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka sheegay mar uu maanta daah-furaayey barnaamijka Badmaal lagu horumarinayo iskaashatooyinka kalluumaysiga, iyada oo xoogga la saarayo tayeynta qalabka, xirfadaha kalluumaysatada, kobcinta dakhligooda, iyo guud ahaan kor u qaadidda kaabayaasha dhaqaalaha dalka, gaar ahaa waaxda kalluumaysiga.

Kalluumeysatada Soomaaliyeed ayaana ka faa’iideysan doono mashruucan cusub ee Badmaal ee maanta magaalada Muqdisho lagu daahfuray, waxa ayna Xukuumadda Soomaaliya xoogag saareysaa sidii looga faa’iideysan lahaa kheyraadka baddeena ka buuxa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Masuul katirsanaa dowlada oo lagu helay in Al Shabaab kamid ahaa iyo Xukun lagu riday

Cabdi Cade

Madaxweyne kala diray dhamaan Golihiisa Waiirada kadib codsi loo diray

Cabdi Cade

Boqortooyada Sacuudiga oo mar kale qaadday talaabo ka farxisay haweenka dalkaas

Caydiid Ali
Taboola Ads ---