Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda oo War kasoo saartay howlgallo lagu laayay xubno katirsanaa Al Shabaab

War-saxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in 59 ka tirsan kooxda Al Shabaab  lagu dilay hawlgalo ay horkacayeen Ciidanka Qalabka Sida oo kaashanaya dadka degaanka iyo saaxiibada caalamka oo laga fuliyey deegaano ku yaalla bariga Gobalka Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe.

Hawlgalka koowaad oo lagu dilay 32 dhagar-qabe ah oo isugu jiray horjoogayaal iyo maleeshiyaad Khawaarijta ka tirsanaa ayaa ka dhacay aagga Garilay oo u dhow deegaanka Coosweyne ee Gobalka Galgaduud, waxaana sidoo kale hawlgalkaasi ku shahiiday afar askari oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Hawlgalka labaad oo lagu laayay 27 dhagar-qabe ayaa wuxuu ka dhacay goob ay cadowgu isku aruursanayeen oo ku taalla tuulada Yaaqle oo dhow deegaanka Xawaadlay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana sidoo kale hawlgalkaasi lagu burburiyay fariisinkii uu cadowgu isku aruursanayay.

Related posts

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo xalay weeraray degaanka Ceeldheere

Caydiid Ali

Somaliland oo War kasoo saartay Doorashada Xubnaha matalaya ee ka dhaceysa Muqdisho

Cabdi Cade

Dowladda Soomaaliya oo War kasoo saartay xiisadda Colaadeed ee ka taagan Bariga Dhaxe

Cabdi Cade
Taboola Ads ---