Allbanaadir.com
NEWS

Israa’iil oo Shaacisay tirada askarta looga dilay Dagaalka ay kula jiraan Xisbullah

Ciidamada milatariga Israa’iil, ayaa duullaan dhinaca dhulka ah ku qaaday koonfurta dalka Lubnaan, waxa ayna ciidamada Israa’iil dagaal adag oo is difaac ah kala kulmayaan dagaalyahannada daacada u ah ururka hubeysan ee Xisbullaah.

War kasoo baxay milatariga Israa’iil ayey ku qirteen in khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac askartooda kasoo gaaray duullaanka Lubnaan ku qaadeen, waxaana la rumeysan yahay in Israa’iil ay xaqiiqada khasaaraha soo gaaray aysan si sax ah u shaacineyn ayna wax qarinayaan.

Milatariga Israa’iil ayaana sheegay in dagaal xooggan oo shalay ka dhacay koonfurta dalka Lubnaan looga dilay labo askari, waxa ayna tilmaameen guud ahaan tirada askarta looga dilay dagaalka Lubnaan ay gaarayana 11-askari , halka tiro intaas ka badana dhaawacyo kala duwan soo gaareen.

Ciidamada Israa’iil ayaan guulo wax ku ool ah ka gaarin duullaanka dhinaca dhulka ah ay ku qaadeen koonfurta Lubnaan, waxa ayna la kulmeen iska caabin xooggan oo kaga timid kooxda Xisbullaah , oo u muuqada koox aan is dhiibeyn oo jilbaha aasatay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Guddigii qiimeynta ee uu RW Rooble magacaabay oo gaaray Kismaayo (Sawirro)

Caydiid Ali

Shirka u dhaxeeya DF iyo maamul goboleedyada oo goordhaw si rasmi ah u furmay

Cabdi Cade

Gudoomiyaha Baarlamanka Somalia & wafdi uu horkacayo oo gaaray Garoowe (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---