Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ka hadlay halka uu marayo shirka wada tashiga Qaran oo maalmahan ka socday Muqdisho, xilli uu shirka isaga baxay Madaxweynaha Jubbaland oo qodobada qaar ee shirka looga hadkayay ka biyo diiday.
Ra’iisul Wasaaraha oo xalay la hadlay shacabka Soomaaliyeed ayaa la wadaagay guulihii laga gaaray shirka Madasha Golaha Wadatashiga Qaran, wuxuuna xusay in kulanka 10-aad ee Golaha lagu soo bandhigay ajandayaal muhiim ah oo ay ka mid yihiin dardargelinta la-dagaallanka Al Shabaab, xoreynta dalka, dib u heshiisiinta bulshada Soomaaliyeed iyo arrimaha doorashooyinka dalka.
Mudane Xamsa ayaa intaa raaciyay in shirka uu wali socdo, isaga oo xusay in madaxda kasoo qayb gashay shirka ay ku jiraan wada tashiyo la xiriira qodobbada qaarkood oo muhiim ah, wuxuuna sheegay in marka uu kulanku dhammaado laga soo saari doono war-murtiyeed, isagoo u rajeeyay in shirku uu kusoo dhamaado guul.
Ugu dambayn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladdu ay ka go’an tahay ilaalinta midnimada, gobanimada, Qarannimada Soomaaliyeed, dhowrista karaamada Umadda iyo inaan ka fogaanno wax kasta oo keeni kara kala qaybinta dadka Soomaaliyeed.
Hadalka kasoo yeeray Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa kusoo aadaya , xilli uu shirka Golaha Wadtasahiga Qaran kusoo dhammaaday fashil, waxaana shirka ka baxay Madaxweynaha Jubbaland, halka madaxda kale oo isku aragti ah dhammaan ay Muqdisho joogaan, wax go’aan ahna aysan wali gaarin.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com