Allbanaadir.com
NEWS

Golaha Wasiirada Somalia oo ansixiyey Miisaaniyada 2025

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo caawa yeeshay kulan deg-deg ah oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa cod aqlabiyad leh ku meel mariyay ku tala galka miisaaniyadda dawladda ee sanadka 2025, taas oo dhan $1,342,476,311.

Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo golaha horkeentay Miisaaniyadda, ayaa soo bandhigtay kororka jira iyo ilaha kala duwan ee dakhliyadu ka soo xaroonayaan.

Kororka miisaaniyaddan marka loo barbar dhigo tan sanadka 2024 oo ahayd $1,079,315,783, ayaa waxaa siyaaday $263,160,528,  oo u dhiganta koror dhan 24.4%.

Kordhinta dakhliga gudaha ee dowladda waxay saldhig u tahay qorshaha lagu xoojinayo amniga, adeegyada bulshada iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Sidoo kale, kulanka Golaha Wasiirrada, ayaa lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, kaas oo ay golaha u soo gudbisay Wasaaradda Amniga Gudaha.

 

 

Related posts

Diyaarad goordhaw kusoo dhacday garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Waxyaabo qarxa oo la dhigay meel u dhaw Safaarada Isra’il ee Sweden iyo kala carar dhacay

Cabdi Cade

Arday 50 ka badan oo ka qelin jebiyay qeybta Daraasaadka Sare ee Jaamacadda Benadir (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---