Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Muxuu taliyaha cusub ee Booliska ku soo arkay xarunta CID?

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xarunta dambi baarista Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee CID iyo Taliska Qaybta Guud ee Boliiska gobolka Benaadir, si uu ugu kuur galo adeegyada ay xarumahani u hayaan bulshada Soomaaliyeed.

Taliyaha oo ugu horreyn salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa waxa uu kormeeray Xafiisyada ay ku shaqeeyaan mas’uuliyiinta iyo howl-wadeenada Laanta CID iyo hannaanka hufnaanta shaqo ee loogu adeego shacabka, isaga dhageystay cabashooyinka qaar ka mid ah dadka shacabka ah ee xarunta loogu adeegayay.

Sidoo kale, Taliyaha oo sii wata kormeerkiisa u kuur galidda habsami u socodka howlaha shaqo ee xarumaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa gaaray Xarunta Taliska Qaybta Guud ee Boliiska gobolka Benaadir, halkaasi oo uu kulan kula qaatay, Taliska Qaybta iyo Saraakiisha ammaanka gobolka Benaadir.

Taliyaha ayaa Saraakiisha ka dhageystay Warbixinno ku saabsan xaaladda amni ee caasimadda, howlgallada guuleystay ee looga hortagay isku dayada qalqal galinta amniga ee iyo qorsheyaasha cusub dardarlinta sugidda ammaanka magaalada Muqdisho, isaga oo faray inay labanlaabaan dadaalkooda, si shacabka Soomaaliyeed u helaan kalsooni amni oo dhammeystiran.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo si maamuus leh u qaabilay Axmed Burhaan Max’ed (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Golaha shacabka oo beri yeelanaya kulan xasaasi ah (Afar qodob oo looga hadlayo)

Caydiid Ali

Madaxweyne Qoor Qoor oo si weyn loogu soo dhaweeyay Gaalkacyo (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade