Allbanaadir.com
NEWS

Xamaas oo gantaalo Khasaare geystay ku weerartay Tel aviv

Ugu yaraan 5 gantaal oo ay Xamaas ka riday Qasa ayaa ku dhacay magaalada Tel Aviv, kuwaasoo ka gudbay nidaamka difaaca Israel, kaddib markii la arkay  inay si toos ah ugu dhaceen koonfurta magaaladaas

Warbixinnada ayaa lagu xaqiijiyay khasaare ka dhashay gantaallada ay Xamaas ku weerartay Tel Aviv, iyadoo qaar ka mid ah ay ku dhaceen meel aan ka fogeyn garoonka diyaaradaha Ben Gurion oo ah garoonka diyaaradaha ugu weyn Israa’iil.

Wargeyska ka soo baxa Haaretz, ayaa ku warramay inay gantaaladan Xamaas awood u yeesheen inay jiiraan nidaamyada difaaca Tel Aviv

Illaa hadda dhaawaca labo qof iyo burbur ay geysteen ayaa lagu xaqiijiyay warbixinta wargeyska, oo intaa ku dartay in gantaalada laga soo riday koonfurta Qasa gaar ahaan Khan Yunis, halkaasoo ay ku sugan yihiin militariga iyo sirdoonka ugu badan ee Israa’iil.

Gantaaladan waxay ku dhacayaan magaalada ugu muhiimsan Israa’iil, maalin ay sannad u buuxsantay weerarkii 7-dii Oktoobar & sanad ay marinka Qasa ku sugan yihiin ciidanka Israa’iil oo adeegsaday awood militari iyo sirdoon xad dhaaf ah, balse kama aysan hor istaagin 12 bilood inay Xamaas duqeymo la beegsato Tel Aviv.

Related posts

Itoobiya oo Shaacisay in ay buuxisay biyo-xireenkii ay ka dhisayeen webiga Nile

Cabdi Cade

Wararkii u dambeeyey dagaalo ka qarxay gobolka Hiiraan

Caydiid Ali

Maxkamad ku taalla Itoobiya oo xukuntay Siyaasiyiin ka tirsan mucaaradka dowlada

Caydiid Ali
Taboola Ads ---