Allbanaadir.com
NEWS

Mashruuca dhismaha Dekadda Hobyo oo Muqdisho lagu saxiixay

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa goobjoog ka ahaa munaasibad si weyn loo soo agaasimay oo lagu qabtay magaaladda Muqdisho isla markaana lagu saxiixay heshiiska dhismaha Dekadda Hobyo.

Munaasabadda waxaa goobjoog ahaa wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan DFS, mudanayal ka tirsan labada gole ee Dowladda Galmudug, ganacsato, siyaasiyiin iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha ayaa madasha ka sheegay dhismaha Dekadda Hobyo uu yahay riyo muddo dheer ay ku taamayeen reer Galmudug, isagoo sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha.

Mashruuca dhismaha dekadda Hobyo, ayaa marar badan la saxiixay, mana jiro ilaa hadda wax dhismo ah oo lagu bilaabay dekadda , waxaana hadda la qorsheenayaa in la dhiso dekadan si shaqo loogu bilaabo.

 

Related posts

Aadan Madoobe oo kulan sagootin ah la qaatay Magatte Guisse & Marwo Sanaa Omer

Caydiid Ali

Abiy Ahmed oo lagu eedeeyey inuu DF gacan ku siiyo caburinta Maamul goboleedyada

Caydiid Ali

Goob Xaflad aroos ka socotay oo mar qura isku bedeshay dhiig iyo Murugo (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade