Allbanaadir.com
NEWS

Sheekh Aadan Madoobe oo looga yeeray dalka Imaaraadka Carabta

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay wadanka Isutaga Imaaraadka Carabta, kadib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay dhigiisa dalkaasi.

Safarka guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), waxaa ku wehliya guddoomiyaha guddiga saaxiibtinimada Baarlamaanadda Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta iyo xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ku matala Baarlamaanka Jaamacada Carabta.

Guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa muddada uu joogo Dalka Isutaga Imaaraadka Carabta, waxa uu kulamo la qaadan doonaa mas’uuliyiinta wadankaasi oo uu ugu horeeyo guddoomiyaha Baarlamaanka ee dalkaasi.

Dowladda Imaaraadka ayaa sidaan oo kale maalmo kahor dalkooda uga yeertay casuumadna u fidisay guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, waxa ayna Imaaraadka haddana u yeereyn guddoomiye Aadan Madoobe, lamana oga waxa ay kala hadli doonaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mareykanka oo hub ku kacaya $5 bilyan ka iibinaya labo Dowlad oo Carbeed

Cabdi Cade

Madaxda dowlad goboleedyada oo War kulul ka soo saaray heshiiskii Hirshabelle & dowlada (Akhriso)

Caydiid Ali

Ciidankii sugi lahaa amniga doorashada oo la diyaariyey iyo Saciid Deni oo.

Caydiid Ali
Taboola Ads ---