Allbanaadir.com
NEWS

Axmed Madoobe oo isaga oo careysan ka ka degay Kismaayo (Sawirro)

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Isklaam (Madoobe) iyo wafdi la socday ayaa goordhaw ka degay magaalada Kismaayo, waxaana halkaasi si weyn ugu soo dhaweeyay masuuliyiin katirsan maamulka Jubbaland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Axmed Madoobe ayaa isaga oo careysan isaga tagay magaalada Muqdisho uu maalmahan u joogay ka qeyb galka shirka Golaha Wadatashiga Qaran, waxaana la sheegay in Axmed Madoobe ka biyo diiday qodobada qaar ee shirka lagu go’aamin lahaa, taa oo keentay in shirka fashil kusoo dhammaado.

Madaxweynaha Jubbaland ayaana diiday in muddo kordhin kale oo hal sanno ah loo sameeyo madaxda dowlad goboleedyada, waxa uu sidoo kale golaha ugu baaqay in aan go’aanno masiiri ah la gaarin iyada oo Puntland shirka bannaanka ka joogto.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo la filayay in laga soo saaro war-murtiyeed lana soo gabagabeeyo ayaan jirin ilaa hadda wax war ah oo laga soo saaray, waxaana shirkan u muuqdaa mid fashil kusoo dhammaaday ayna niyad jab ka qaadeen Villa Soomaaliya.

Madaxda kale ee maamulada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle , ayaa dhammaantood raali ka ah in muddo kordhin hal sanno ah loo sameeyo, waxa ay sidoo kale masuuliyiintan raali ka yihiin qodobo badan ay rabto Villa Soomaaliya, hasa ahaatee Axmed Madoobe ayaa iska diiday qodobadaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada dowlada oo saaka toogsho ku dilay nin hubeysan oo miino ku aasay..

Caydiid Ali

Gantaal lagu gubay Markab Shidaal siday iyo Ciidamada Mareykanka oo jawaab bixiyay

Cabdi Cade

Dalkii 6aad ee ka tirsan qaarada Afrika oo laga helay cudurka Coronavirus

Caydiid Ali
Taboola Ads ---